(Lisbon) 14 Agoosto 2020. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah ee ay garoonka ku soo geli doonaan caawa kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich, kuwaasoo ku ballansan siddeed dhammaadka Champions League.
Kulankan oo ah hal lug ayaa kooxdiisa caawa adkaata labadaan naadi waxa ay iska xaadirin doontaa afar dhammaadka tartankan, iyadoo Semi-finalka Champions League la ciyaari doonta Kooxdii soo adkaata habeen dambe Man City iyo Lyon.
Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich iyo tan reer Spain ee Barcelona ayaa midkood u gudbi doonaa afar dhammaadka Champions League, waxaana ay madaxa gelin doontaa kooxdii gudubta Tababare Pep Guardiola kooxdiisa mise naadiga reer France ee Lyon.
Barcelona iyo Bayern Munich ayaa min shan jeer ku guuleystay koobka horyaallada Yurub, kulankan ayaana ka dhigan in hal koox aysan sanadkan ku guuleysan doonin koobkeedii lixaad.
Haddaba halkaan hoose ka eeg safafka labada kooxood oo dhammaystiran:-
Barcelona XI:
Bayern Munich XI:
Gool FM.