Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

RASMI: Laacibka ku guuleystay abaal-marinta xiddiga isbuuca ee Champion League oo la shaaciyay

$
0
0

(Yurub) 25 Agoosto 2020. Xiriirka kubada cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay ciyaaryahanka ku guuleystay abaal-marinta xiddiga isbuuca ee tartanka Champion League.

Tartanka Champion League ayaa todobaadkan la soo gabagabeeyey, iyadoo kulankii final-ka ee ka dhacay Magaalada Lisbon ay isku qabteen kooxaha PSG iyo Bayern Munich.

Kulankan oo ay ka soo muuqdeen xiddigo waa weyn ayaa laga soo xushay kaliya afar ciyaaryahan oo bandhig ilqabad leh sameeyey kulankan kama dambeysta ah.

Afarta laacib ee xiddiga isbuuca ee Champions League ku tartamayey ayaa waxa ay kala yihiin Goolhayaha Bayern Munich ee Manuel Neuer iyo labada xiddig ee ay isku kooxda yihiin Thiago Alcántara iyo Coman oo ahaa dhaliyihiin goolkii guusha ee kooxda reer Jarmal ay koobka ku qaaday, halka dhinaca PSG laga soo qaatay Marquinhos.

Goolhaye Manuel Neuer ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa todobaadka ee Champions League, waxaana uu abaal-marintan ku hantay badbaadooyinkii cajiibka ahaa ee uu sameeyey Final-kii Champions League.

Manuel Neuer ayaa abaal-marintan ku garaacay xiddigaga kula tartamayay ee kala ahaa laacibka khadka dhexe ee Bayern Munich, Thiago Alcántara, weeraryahanka kooxdaas ee Coman iyo ciyaaryahanka kooxda PSG ee Marquinhos.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles