Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Raphaël Varane oo tilmaamay waqtigiisii ugu xumaa ee kooxda Real Madrid

$
0
0

(Madrid) 15 Sebt 2020. Daafaca reer France iyo kooxda Real Madrid ee Raphaël Varane ayaa ka hadlay kulankii masiibada ahaa oo ay isaga iyo kooxdiisa la ciyaareen Manchester City, lugta labaad wareega 16-ka ee Champions League xilli ciyaareedkii hore, kaasoo gabi ahaanba Los Blancos looga cirib tiray tartanka.

Raphaël Varane oo qaladaad fool xun sameeyay kulankaas xilli uu maqnaa Sergio Ramos, ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Dabcan, ciyaartaasi waxay sii ahaan doontaa xusuus aan aad ugu fiicneyn xirfadeyda, ka saaristaas ayaa igu adkaatay, ciyaarta kaddib waxaan doonayay inaan mas’uuliyada dhabarka u rito”.

“Waxaan sameeyay qaladaad qaarkood, taasna waxay nagu kaliftay inaan guuldarreysano”.

How Much Transfer Fee Real Madrid Will Demand For Raphael Varane

“Maalmihii xigay kulankaas xoogaa waxyaabaha qaar wey adkaayeen, waan qirayaa, laakiin meesha ugu sarreysa waa inaad si dhaqso leh u rajeysaa”.

Si kastaba ha noqotee, Manchester City ayaa kaga cirib tirtay kooxda Real Madrid 2-1 kulankii lugta labaad wareega 16-ka ee tartanka Champions League xilli ciyaareedkii hore, taasoo ka dhigtay in cel-celis ahaan labada kulan ee wareegan ay ku soo baxday kooxda reer England goolal gaarsiisan 4-2.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles