(Yurub) 23 Sebt 2020. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ayaa ku dhawaaqay liiska saddexda Tababare ee ku tartami doona Abaal-marinta macallinka sanadka ee UEFA.
Hansi Flick, Jürgen Klopp iyo Julian Nagelsmann ayaa isugu soo haray liiska kama dambeysta ah ee abaal-marinta tababaraha sanadka UEFA ee xilli ciyaareedkii 2019/20.
Hansi Flick (Bayern)
Bayern ayaa kaalinta afaraad kaga jirtay horyaalka Bundesliga markii Flick uu qabtay kooxda bishii November; 20-kulan oo ay badisay ayaa la micno ah in kooxda reer Jarmal ay dhammeysatay ku guuleysiga saddexleey koobab ah.
Jürgen Klopp (Liverpool)
Waxa uu abaabulay safarkii Reds ee aan la joojin karin ee ay ku qaaday horyaalkeedii ugu horreeyay ee Ingiriis ah muddo soddon sano ah, Liverpool ayaa ku dhammeysatay iyadoo horyaalka ku hoggaaminaysa 18 dhibcood oo nadiif ah.
Julian Nagelsmann (RB Leipzig)
33-sano jirkaan, wuxuu noqday tababarihii ugu da’da yaraa ee u soo baxa heerka bugbaxa Champions League, isagoo Kooxda RB Leipzig ku hoggaamiyay semi-finalkoodii ugu horreeyay.
Ku guuleystaha abaal-marintan waxaa lagu guddoonsiin doonaa inta lagu guda jiro xafladda isku aadka UEFA Champions League kal ciyaareedkan 2020/21, taasoo ka dhici doonta Magaalada Nyon maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 1 bisha October.
Gool FM.