(Geneva) 01 Okt 2020. Munaasadda isku aadka heerka guruubyada Champions league ayaa socota, iyadoo sidoo kale xafladdaan lagu bixinayo abaal-marinno kala duwan.
Hadda waxaa la bixiyey abaal-marinta goolhayaha xilli ciyaareedka ee Champions League, waxaana loo magacaabay oo ku guuleystay goolhayaha Kooxda Bayern Munich ee Manuel Neuer.
Xiddigan xulka qaranka Jarmalka ee Manuel Neuer ayaa abaal-marintan ku garaacay labada goolhaye ee la tartamayey ee Oblak iyo Navas.
Dhinaca kale Sarah Bouhaddi ayaa iyaga ku guuleysatay goolhayaha dhanka dumarka ee xilli ciyaareedka Champions League (UEFA Women’s Goalkeeper of the Year.)
Gool FM.