Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Tababaraha Shakhtar Donetsk ee Luis Castro oo magacaabay kooxda ku guuleysan karta Champions League xilli ciyaareedkan 2020/21

$
0
0

(Yurub) 25 Okt 2020. Tababaraha kooxda Shakhtar Donetsk ee Luis Castro ayaa magacaabay kooxda ku guuleysan karta tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan 2020/21.

Luis Castro ayaa u sharaxay kooxda reer Spain ee Real Madrid inay ku guuleysan doonto tartanka UEFA Champions League, inkastoo ay guuldarro kaga daahfuratay kulankeeda ugu horeeyay heerka group-yada ee xilli ciyaareedkan.

Real ayaa ku bilaabatay ololaheeda Champions League guuldarro garoonkeeda Alfredo Di Stéfano, kaddib markii ay guuldarro 2-3 ah ay kala kulantay kooxda Shakhtar Donetsk.

Inkastoo ay kooxda Shakhtar Donetsk guul ka gaartay Real Madrid, haddana tababare Luis Castro wuxuu aaminsan yahay in Los Blancos ay ku guuleysan karto tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan 2020/21

Wargyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Luis Castro, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

Castro after Shakhtar's epic draw with Dinamo: That's why people love  football!

“Real Madrid waxay ahaan doontaa Real Madrid wax walba oo dhaco, waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka, waaba haddii aysan ahayn kooxda ugu fiican”.

“Waxaan arkaa in Real Madrid ay weli tahay musharax si ay ugu guuleysanto tartanka UEFA Champions League, fiiri waxa ay ku sameysay Barcelona kulankii El Clasico”.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka soo heshay Barcelona kulankii la wada sugayay ee El Clásico, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles