Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Waligeen kama shakinin Zidane” – Toni Kroos

$
0
0

(Yurub) 26 Okt 2020. Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa ka hadlay kulanka ay habeen dambe kula ciyaari doonaan naadiga Borussia Monchengladbach tartanka Champions League.

Real Madrid ayaa kula ciyaari doonta kulankeeda labaad wareega group-yada ee tartanka Champions League kooxda Borussia Monchengladbach, kaddib markii ay guuldarro ka soo gaartay kooxda reer Ukraine ee Shakhtar Donetsk kulankeeda dah furka ahaa ee olalaheeda heerka group-yada xilli ciyaareedkan.

Hadalka Toni Kroos ayaa wuxuu imaanayaa kaddib markii uu ka soo muuqday shir jaraa’id kahor ciyaarta Borussia Monchengladbach, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan halkaan u nimid inaan guuleysano oo aan la soo laabano seddexda dhibcood, waan ognahay muhiimada kulanka ka dib guuldaradii naga soo gaartay kulankii hore, waxaan la kulannaa cadaadis aad u weyn kaddib markii y naga adkaatay Shakhtar”.

Mar uu ka hadlayay inuu dib ugu laabanayo horyaalka Germany ayaa wuxuu yiri:

When I Retire, I Will Say That I Coached Toni Kroos,' Claims Real Madrid  Boss Zinedine Zidane

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku laabto Jarmalka, laakiin runtii waan ku raaxaystaa ka ciyaarista iyo ku noolaanshaha Madrid, waxaan helay dalabyo badan sanadihii la soo dhaafay, laakiin halkan ayaan ku faraxsanahay, fikirkayguna waa inaan kaga fariisto kubadda cagta Real Madrid”.

Ugu dambeyntii Isaga oo ka hadlaya tababaraha reer France ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu yiri:

“Weligeen shaki kama qabin Zidane iyo awoodiisa, waana wada guuldaraysanaynaa, waana wada guuleysaneynaa, haddii ay wax qaldamaan, way fududahay in la eedeeyo, laakiin arintu sidan ma aha”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles