(Turin) 27 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa soo dhoweynaysa naadiga Barcelona habeen dambe kulan qeyb ka ah tartanka Champions League heerkiisa guruubyada.
Kulankan oo ka dhici doona garoonka Allianz Stadium ayaa ka mid ah kuwa ugu xiisan badan ee sanadkan lagu daawanayo heerka guruubyada ee Koobka Horyaallada Yurub.
Macallinka cusub ee Juve, Andrea Pirlo ayaa weli aan la garaacin oo unbeaten tan iyo markii uu qabtay shaqadaasi, waxaana guulahaas ka mid ah guushii ay ka soo gaareen Dynamo Kiev kaasoo ahaa kulankoodii koowaad ayna ku soo adkaadeen 2-0, inkastoo bandhigga iyo natiijooyinka kooxda uu xilli hore su’aal laga geelin.
Kooxda haysata horyaalnimada Talyaaniga ayaa doonaysa inay ka aargudato Barcelona taasoo ku garaacday iyaga final-kii tartankan ee sanadkii 2015-kii, waxayna doonayaan inay garaacaan habeen dambe oo ay ka faa’iideystaan fursadahooda, maadaama iyaga marti loo yahay.
Cristiano Ronaldo oo xanuunsan ayaa la filayaa inuu maqnaan doono maadaama uu xanuunsan yahay oo uu seego kulankan, waxaana xiddigaha kale ee shakiga laga galinayo Barcelona ka mid ah Giorgio Chiellini oo bowdada ka dhaawacan iyo Matthijs De Ligt oo dhaawac garabka ah qaba.
Alex Sandro ayaa ka maqnaan doona Juventus kulankan, kaasoo bowdada ka dhaawacan.
Haddaba shabadda ciyaaraha ee Sports Mole ayaa sii shaacisay qaabka ay u muuqan doonto shaxda kooxda marti gelinaysa Barcelona kulanka ka dhacaya Turin:-
Gool FM.