Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Buffon oo ka hadlay kulanka caawa iyo goolhaye Casillas

$
0
0

(Porto) 22 Feb 2017 Goolhayaha kooxda Juventus ee Gianluigi Buffon ayaa ka hadlay kulanka caawa kooxdiisu ay ka hortagi doonto kooxda FC Porto koobka horyaalada yurub.

Kulankaan ayaa ah kii 100-aad ee Gianluigi Buffon uu ka soo muuqdo koobka horyaalada yurub laakiin wuxuu sheegay inuu malaynayay inuu ciyaaray kulamo intaas kabadan.

Buffon ayaa amaanay go’aankii goolhaye Casillas uu uga soo tagay kooxda Real Madrid isla markaana uu ugu soo biiray kooxda reer Portugal ee FC Porto.

“Diyaarada ayaa la iigu dhex sheegay in kulankaan uu noqonayo keygii 100-aad ee Champions League, waxaan u malaynayay inaan ciyaaray kulamo intaas kabadan” ayuu yiri goolhaye Gianluigi Buffon.

“Iker Casillas waa saaxiibkeey, marwalbana waan ixtiraamaa, walina sidii ayaan ahay, wuxuu qaatay go’aan geesinimo leh oo adag, wuxuuna naftiisa kula loolamay inuu ka soo dhaqaaqo Madrid kuna biiro Porto”.

“Porto hormar ayeey sameeyeen sanadihii la soo dhaafay, waxay dib u soo celiyeen booskii ay ku lahaayeen yurub, waa inaan kulan walba ku bilaabanaa taxadar iyo islawayne la’aan”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles