(Manchester) 29 Okt 2020. Macallinka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday in saxiixa ay dhowaan la soo wareegeen ee Alex Telles uu ku dhacay Korona Fayras.
Xiddiga xulka qaranka Brazil ayaa saftay kulankiisii ugu horreeyey kooxda 20-ka goor ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska ciyaartii ay ka horjeedeen Paris Saint-Germain ee Champions League todobaadkii la soo dhaafay, laakiin waxa uu seegay kulankii ay Man Utd wajacday kooxda Chelsea Sabtidii ee horyaalka Premier League.
Telles ayaa sidoo kale ka maqnaa shaxda xiddigaha Man United ee xalay guusha weyn ka gaartay RB Leipzig tartanka Champions League, tababare Solskjaer ayaana xaqiijiyey in daafacan garabka bidix uu ku dhacay Korona Fayras kaddib markii ay xalay kooxdiisu ku adkaatay 5-0.
“Haa wuu maqnaa haatan in yar, maxaa yeelay waxaa laga helay Korona Fayras” ayuu Tababare Solskjaer u sheegay MUTV, wuxuuna intaas ku daray: “Wax calaamado ah kama muuqdaan, wuu fiican yahay mana sugi karno inaan dib u helno.”
27-sano jirkaan ayaa si weyn loola xiriirinayey inuu ku biiri doono Man United inta badan suuqii xagaaga ka hor inta uusan maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga xiddigaha ku soo biirin kooxda ka dheesha Premier League.
Telles ayaa sidoo kale la filayaa inuu seegi doono kulanka weyn ee todobaadka soo aaddan ay kooxdiisa la ciyaari doonto Arsenal, illaa iyo haddana ma cadda goorta difaacan dib loo heli doono oo uu ku soo laaban doono markale xulashada kooxda.
Gool FM.