Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Ronald Koeman oo u mahad celiyay Ter Stegen kaddib guushii ay ka gaareen kooxda Dynamo Kiev

$
0
0

(Barcelona) 05 Nof 2020. Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa u mahadceliyay goolhayihiisa reer Germany ee Marc-André ter Stegen kaddib guushii ay ka gaareen naadiga Dynamo Kiev.

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa guul kaga gaartay garoonkeeda Camp Nou naadiga Dynamo Kyiv, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, goolasha Blaugrana waxaa u dhaliyay kabtankooda Lionel Messi iyo Gerard Pique.

André ter Stegen ayaa ka soo laabtay dhaawac jilibka ah, wuxuuna ka caawiyay kooxdiisa Barcelona inay guuleysato, wuxuuna ka badbaadiyay in ka badan hal kubad oo halis ah.

Ter Stegen ayaa 6 fursadood ka badbaadiyay kooxda Dynamo Kiev, oo toodii ugu halista badneyd uu ka badbaadiyay ciyaaryahan Vitaly Buyalsky.

Haddaba Ronald Koeman ayaa wareysi uu bixiyay kaddib ciyaarta wuxuu ugu mahadceliyay goolhayihiisa Marc-André ter Stegen, wuxuuna yiri:

“André ter Stegen wuxuu cadeeyay inuu yahay goolhaye weyn, wuxuuna naga caawiyay inaan guuleysano”.

“Si wanaagsan ayuu tababar u sameynayay mudadii ugu dambeysay, waxaana ku arki karnaa taas kulankii Dynamo Kiev”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles