Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Dhaawacyada Kooxda Barcelona oo halkooda ka sii socda xiddig kale oo ku biiray qolka daaweynta Blaugrana

$
0
0

(Barcelona) 23 Nof 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dhexda ka gashay xaalad dhaawacyo iyadoo saddex laacib ay hal habeen ka dhaawacmeen.

Laacib kale oo muhiim u ah ayaa haatan la soo warinayaa inuu ku biiray qolka daaweynta Kooxda Barca.

Ousmane Dembele ayaa dhaawac garabka ah soo gaaray intii lagu guda jiray kulankii ay Sabtidii guuldarrada kala kulmeen Atletico Madrid ee ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano.

Xiddiga reer France ayaa jugta dhaawacan ay soo gaartay intii lagu guda jiray qeybtii hore ee kulankaas, inkastoo uu awooday inuu ciyaarta sii wato haddana waxa uu haatan ka mid noqday dhaawacyada kooxda Barcelona.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa isha lagu hayay kaddib markii uu ku dhacay Yannick Carrasco, laakiin Tababare Ronald Koeman ayaa go’aansaday inuu garoonka ku sii haayo.

Inta uu la egyahay dhaawaca ayaa la arki doonaa, iyadoo Jariiradda Mundo Deportivo ay soo warinayso in Dembele uu maray baaritaanno subaxnimadii Axadda.

Waqtigaan la joogo, Barcelona kama aysan hadlin dhaawaca Dembele, laakiin waxa ay warbixin ka soo saareen dhaawacyadii soo gaaray Sergi Roberto iyo Gerard Pique, iyagoo xaqijiyey in Roberto uu garoomada ka maqnaan doono labo bilood.

Maaddaama Dembele uu awood u lahaa inuu sii wato ciyaarta, waxaa la rajeynayaa in dhaawiciisu uusan noqon doonin mid aad u daran, laakiin haddii ay qasab tahay inuu seego kulanka soo socda ee habeenka Talaadada ay u safrayaan Dynamo Kyiv waxa ay madax xanuun ku noqonaysaa macallin Koeman oo durba dhaawac ku waayey Ansu Fati.

Ousmane Dembélé.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles