Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Kooxaha Chelsea iyo Sevilla oo u gudbay wareega 16-ka ee tartanka Champions League… SAWIRRO

$
0
0

(Yurub) 24 Nof 2020. Chelsea ayaa guul ka soo heshay kooxda Rennes oo ay ku booqatay garoonka Roazhon Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka aheyd Kulamo ka tirsan heerka Guruubyada ee tartanka Champions League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daqiiqadii 22-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Callum Hudson-Odoi, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mason Mount.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 87-aad kooxda Rennes ayaa heshay goolka barbardhaca waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigay Sehrou Guirassy, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Benjamin Bourigeaud.

Laakiin daqiiqadii 90-aad Chelsea ayaa heshay goolka guusha kaddib markii uu dheesha 1-2 ka dhigay Olivier Giroud, waxaana caawinta goolkan lahaa Timo Werner.

Ugu dambeyntiina ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Chelsea kooxda Rennes oo ay ku booqatay garoonka Roazhon Park, waxayna guushaan ay gaartay Blues ka dhigan tahay inay u gudubtay wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Dhinaca kale kooxda Sevilla ayaa guul ka soo heshay naadiga FC Krasnodar oo ay ku booqatay Krasnodar Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, waxaana goolasha u kala dhaliyay Ivan Rakitic iyo Munir El Haddadi. Naadiga reer Spain ayaa dhankeeda u gudubtay wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles