(Yurub) 01 Dis 2021. Shakhtar Donetsk ayaa guul ka gaartay kooxda Real Madrid oo marti ugu aheyd garoonkee Stadion NSK Olimpiyskiy, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League, taasoo ka dhigan in kooxda reer Ukrainian ay booska labaad ka soo gashay Group-ka B.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Shakhtar Donetsk iyo Real Madrid.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 57-aad kooxda Shakhtar Donetsk ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Dentinho.
82 daqiiqo kooxda Shakhtar Donetsk ayaa dhalisay gool labaad, waxaana dheesha 2-0 ka dhigay Manor Solomon.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Shakhtar Donetsk, kooxda Real Madrid oo marti ugu aheyd garoonka Stadion NSK Olimpiyskiy, Kyiv, Los Blancos ayaa u dhacday booska saddexaad ee Group-ka B, halka Shakhtar ay sara ugu kacday booska labaad.
SAWIRRO:
Gool FM.