(London) 03 Dis 2020. Laacibkii hore khadka dhexe kooxda Chelsea ee Glenn Hoddle ayaa sheegay in Blus ay xilligan la joogo ka fiican tahay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.
Kooxda Chelsea ayaa xalay cagta marisay naadiga Seville, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Shanaad wareega group-yada ee tartanka xiisaha badan Champions League.
Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud ayaa kulankan isku muujiyay wuxuuna sameeyay bandhig cajiib ah, kaddib markii uu wada dhaliyay 4-tii gool ay xalay ku adkaatay kooxdiisa Chelsea, si uu u xaqiijiyo inuu door weyn ku lahaan doono kooxda xilli ciyaareedkan.
Haddaba Glenn Hoddle oo ka hadlayay xaalada kooxdiisii hore ee Chelsea wuxuu yiri:
“Kama saramari kartid Bayern Munich sababtoo ah aad ayey u xoogan yihiin, laakiin waa inaad fiida hore geysaa Chelsea, haddii aad la bar-bardhigeyso kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.”
“Waa laba kooxood oo aad u xoogan, laakiin Chelsea ayaa ka fiican iyaga waqtigan la joogo.”
“Chelsea, waxaan u maleynahaa inay ku fikireyso inay gaarto semi-finalka Champions League ugu yaraan, marka aad gaarto wareegan, wax walba ayaa dhici kara.”
“Chelsea waxay heysataa xiddigo wanaagsan oo horumar sameyn doona waqti kaddib.”
Gool FM.