Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Barcelona waxay mareysaa marxalad adag” – Cristiano Ronaldo

$
0
0

(Barcelona) 09 Dis 2020. Weeraryahanka reer Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay xalay kaga gaareen Barcelona garoonka Camp Nou, iyo inay u gudbeen wareega xiga ee 16-ka ee tartanka UEFA Champions League iyagoo hoggaaminaya group-ka G.

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka aargoosatay naadiga Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, waxaana goolasha u kala dhaliyay Cristiano Ronaldo oo 2 gool ah, iyo Weston McKennie oo dhaliyay gool qurux badan.

Cristiano Ronaldo oo la hadlay warbaahinta kaddib ciyaarta ayaa waxaa uu yiri:

“Waa wax aad u wanaagsan, aad ayaan u faraxsanahay waana ognahay inay aheyd himilo aan macquul aheyn inaan halkaan imaado oo aan dhaliyo goolal.”

“Waxaan u maleynayaa in furaha maanta ay tahay inaan ciyaarta ku soo galnay si fiican, labo gool oo 30-kii daqiiqa horey ee ciyaarta ah, waxaan u maleynayaa in tan iyo markaas, inaan u qabnay in wax walba ay macquul ahaayeen.”

“Waxaan xiriir saaxiibtinimo la leeyahay Messi had iyo jeer, waligey uma arkin inuu ila tartamayo, wuxuu isku dayayaa inuu sida ugu fiican u sameeyo kooxdiisa, anigana sidoo kale.”

“Waa waxay saxaafada abuurtay tartanka naga dhexeeya, oo hadaad weydiiso isagana wuxuu ku siinayaa isla jawaabtan.”

“Aragtidayda ku aadan Messi isma bedelin, Barcelona-na waxay mareysaa marxalad adag, kooxaha oo dhanna waxay marayaan waqtiyo xun marka laga hadlayo natiijooyinka iyo waxqabadka.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles