(Madrid) 12 Feb 2021. Tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone, ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa ay diyaar u tahay inay kula ciyaarto Chelsea meel kasta, waqti kasta, iyo maalin kasta oo ay doonaan, kulanka wareega 16-ka ee tartanka Champions League.
Hadalka macalinka reer Argantina ayaa wuxuu yimid kahor kulanka lugta hore ay ku wada ciyaari doonaan garoonka National Arena ee Bucharest, halka kulanka lugta labaad lagu dheeli doono garoonka Stamford Bridge.
Tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:
“Uma maleynayo in ra’ayi dhiibashada ay muhiim tahay, sababtoo ah fikirka aan dhihi doono ama soo jeedin doono ma saameyn doono xaqiiqda.”
“Waxaan ku noolahay waqti adag oo caalami ah wayna nagu adag tahay inaan awoodno inaan tartano, shaqadeena qabano, u diyaar garowno oo aan ku raaxeysano waxa aan heysano, oo aan kula ciyaarno meel walba, waqti walba iyo maalin walba oo ay doonaan.”
Marka la eego xayiraadaha ay Spain saartay soo gelitaanka muwaadiniinta Ingriiska ee dalkeeda sababo la xiriira soo laabashada Caabuqa Korona Fayras, kaasoo si xoogn ugu soo noqday wadamo badan uu Ingiriiska qeyb ka yahay, Blues ma awoodi doonto inay soo gasho caasimada Spain. kulanka wareega 16-ka ee tartanka Champions League oo ay la ciyaarayaan Atletico Madrid.
Haddaba kulanka wareega 16-ka ee tartanka Champions League ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea ayaa waxaa loo wareejiyay garoonka National Arena ee Bucharest 23-ka bishan February, halka kulanka lugta labaad lagu ciyaari doono Stamford Bridge ee magaalada London.
Gool FM.