Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Barcelona waxay garaaci kartaa koox kasta.” – Koeman oo fariin u diray PSG

$
0
0

(Barcelona) 15 Feb 2021. Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa u digay naadiga Paris Saint-Germain, kahor kulanka ay ku wada ciyaarayaan lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

War saxaafadeed uu daabacay wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa lagu sheegay, in Ronald Koeman uu shaaca ka qaaday in Barcelona ay awood u leedahay inay ka guuleysato koox kasta.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Uma arko in kooxaha kale ay aad uga fiican yihiin Barcelona, ​​ laakiin sidoo kale waxaan la ciyaarnaa ciyaartoy da’ayar ah, sidaa darteed ma filan karno inaan ku guuleysano Champions League, laakiin waxaan ku jirnaa heer sare waana garaaci karnaa koox walba.”

Marka laga hadlayo suurtagalnimada ah in Lionel Messi ay saameyn ku yeelan karto wararka xanta ah ee ku saabsan inuu u dhaqaaqayo PSG, wuxuu yiri:

“Wax saameyn ah kuma yeelan isaga gabi ahaanba, ma aqaano haddii ujeedkiisu uu ahaa inuu u dhaqaaqo Paris, laakiin shaqadaydu waa inaan u diyaariyo ciyaartoyda kulammada.”

“Messi wuxuu daacad u yahay Barcelona, waxaana rajeynayaa inuu sii wadi doono difaacida maaliyada kooxda.”

“Waxaan leenahay dareen wanaagsan, laakiin ma jiro musharax guuleysan kara, waxay noqon doontaa ciyaar adag, waana inaan ciyaarno labada kulan anagoo si xoogan diirada u saareyna.”

“Waa inaan ixtiraamnaa kuwa naga soo horjeeda, qof walbana wuxuu leeyahay ra’yigiisa, garoonka dhexdiisa waxaan ku arki doonnaa cida noqon doonta kuwa fiican.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles