Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Horudhac: Barcelona vs Paris Saint-Germain… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka Champions League ee caawa ka dhacaya Camp Nou)

$
0
0

(Barcelona) 16 Feb 2021. Ku dhowaad afar sano Kooxaha Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa dib u soo cusbooneysiiya xifaaltankooda garoonka dhexdiisa, waxaana ay isku qaban doonaan kulanka lugta hore ee wareegga 16ka Champions League ee ka dhacaya Camp Nou caawa oo Talaado ah.

Iyadoo ay jirto muhiimadda ay leedahay u gudubka wareegga sideedda labada dhinac, Barcelona iyo PSG ayaa durbaba wax waliba ku sameyn doona garoonka dhexdisia si ay u helaan guushooda, xilli dhowaan la filayo inuu beeca xorta ah noqon doono Lionel Messi, indhahana oo dhami waxay ku sii jeedaan xiddiga reer Argentina toddobaadkan.

Marti geliyeyaasha kulankan ayaa xasilooni dareemaya kaddib markii kulankoodii ugu dambeeyey ee horyaalka La Liga ay 5-1 uga adkaadeen Alaves, halka PSG ay sidoo kale guul soo qaadatay kulankeedii dhowaa ee horyaalka, waxaana ay 2-1 ku garaaceen Nice.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Champions League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Bjorn Kuipers (Netherlands)

Wararka kooxaha:-

Barcelona ayaa rajaynaysa inay dib u hesho daafaceeda dhexe ee qibradda leh, Gerard Pique kaasoo diyaar ah kaddib markii uu ka soo laabtay dhaawac jilibka ah oo uu muddo dheer la maqnaa.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa suxufiyiinta u sheegay: “Isagu waa uu fiican, waxaana uu tababarka la sameeyey kooxda inteeda kale afar ama shan maalmood, waxaan ku kalsoonahay xaaladdiisa, laakiin waxaan haystaa hal maalin oo dheeri ah oo aan ku go’aansado haddii uu kooxda ka mid noqonayo”

Paris Saint-Germain ayaa kulankan waxaa ka maqnaan doona Weeraryahanka reer Brazil ee Neymar iyo xiddiga reer Argentina ee Angel Di Maria, labada ciyaaryahan ayaana la dhibtoonaya dhaawacyo ka soo gaaray bowdada.

Laakiin laacibkooda khadka dhexe ee Marco Verratti ayaa kaa si wanaagsan uga soo kabsaday dhaawac sinta ah, waxaana lagu daray xiddigaha PSG ee caawa wajahaya Barcelona.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Barcelona ayaa reebtay PSG mid kasta oo ka mid ah saddexdoodii is arag ee heerka bugbaxa Champions League, waxaana ay kala ahaayeen 2012/13 oo ay ku reebeen sharciga away goal kaddib markii uu kulankoodu ku dhammaaday 3-3, siddeed dhammaadkii 2014/15 oo ay cel-celis ahaan ku garaaceen 5-1 iyo wareeggii 16-ka ee xilli ciyaareedkii 2016/17 markaasoo lagu reebay cel-celis ahaan 6-5.

>- Marka kaliya ee PSG ka adkaatay Catalan heerka bugbaxa Champions League, waxa ay ahayd heerka siddeed dhammaadka fasal ciyaareedkii 1994/95, markaasoo ay ku adkaadeen cel-celis ahaan 3-2.

>- Markii ugu dambeysay oo ay Barcelona iyo PSG ku kulmeen wareegga 16-ka Champions League xilli ciyaareedkii 2016/17, Catalan ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay oo illaa iyo haatan ka soo laabata afar gool ama wax ka badan oo lugta hore looga soo adkaaday… (Kulankii lugta hore ee ka dhacay Parc des Princes ayaa ku dhammaaday 0-4, halka kulankii lugta labaad ee Camp Nou uu ku dhammaaday 6-1.

>- Tan iyo xilli ciyaareedkii 2012/13, kaliya Borussia Dortmund iyo Real Madrid ayaa is wajahay inta ugu badan waana 10 jeer, halka Barcelona iyo PSG ay tartanka Champions League isku wajaheen 8 jeer, siddeedaas kulan waxaa la iska dhaliyey 32 gool, kulankiiba cel-celis ahaan waa afar gool.

>- Kooxda kaliya ee Faransiis ah oo Barcelona ku soo garaacday garoonkeeda Camp Nou waxa ay ahayd FC Metz kulan qeyb ka ahaa wareegga hore eee koobka The Cup Winners Cup bishii October ee sanadkii 1984-kii, ciyaar ku dhammaaday 4-1, ma jirto koox Faransiis ah oo weligeed Barcelona ku garaacday garoonkeeda tartanka Champions League, waxaana ay kula soo kulmeen 2 barbaro iyo 8 guuldarro.

>- Barcelona ayaa doonaysa inay gaarto siddeed dhammaadka Champions League xilli ciyaareedkeedii 14-aad oo xiriir ah si rikoor ah, markii ugu dambeeyey oo lagu reebo wareegga 16-ka waxa ay ahayd fasal ciyaareedkii 2006/07 waxaana ay wajaheen Liverpool kulan ku cel-celis ahaan ku dhammaaday 2-2 ayaana Barca lagu reebay shacriga away goal.

>- PSG guusha kaliya oo ay ka soo qaadatay kooxaha Spain inta booqatay heerka bugbaxa UEFA Champios League waxa ay timid siddeed sano ka hor markaasna waxa ay wajaheen Valencia ciyaar ku dhammaaday 2-1 bishii Febraayo ee 2013-kii, waana ay guuldarreysteen saddexdii booqasho ee ugu dambeeyey Spain tartankan iyadoo cel-celis ahaan la iska dhaliyey 11-2.

>- Weeraryahanka Barcelona ee Antoine Griezmann ayaa qaatay kaararka digniinta labo jeer waana in ka badan goolashiisa iyo caawintiisa oo hal gool ah, todobadiisii kulan ee tartanka UEFA Champions League uu ku ciyaaray garoonka Camp Nou.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles