Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Suarez oo ka baxay aamusnaanta kaddib markii uu meel fagaare ah ku weeraray Barcelona

$
0
0

(Madrid) 23 Feb 2021. Weeraryahanka Atletico Madrid Luis Suarez ayaa go’aansaday inuu ka baxo aamusnaantiisa isla markaana shaaca ka qaado faahfaahinta ka tagistiisa kooxda Barcelona intii lagu gudajiray suuqii kala iibsiga xagaaga ee la soo dhaafay, wuxuuna tooshka ku ifiyay maamulka kooxda maadaama aysan ixtiraam u muujinin sida la tilmaamay.

Luis Suarez ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabkii xumeyd ay ula dhaqmeen Barcelona ​​inkastoo uu ahaa ciyaaryahanka labaad ee ugu fiican kooxda marka laga soo tago Lionel Messi, sidoo kale wuxuu tilmaamay in maamulka ay ka ceyriyeen kooxda iyagoo aan tixgelin siin waxa uu soo bandhigay. sanadihii la soo dhaafay.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Luis Suarez, wuxuuna meel fagaare ah ku weeraray Barcelona, isagoo yiri:

“Waxa run ahaantii i dhibay waxay ahayd inay ii sheegeen inaan gaboobayo, oo aanan u sii ciyaari karin heer sarre, tani waa waxa i dhibay.”

“Barcelona way i ceyrisay, waxay ii sheegeen inaysan dooneynin inay igu tiirsanaadaan, marna ilama aysan tashan, kooxda waxay ii cadeeysay inaysan hada igu tiirsaneyn aniga, waxaan u qalmay xoogaa ixtiraam ah”.

“Haddii aanan si fiican u soo muuqan 3 ama 4 sano oo aan joogay Barcelona, ​​waan fahmi lahaa taas, laakiin waxaan dhaliyey in ka badan 20 gool xilli ciyaareed kasta, marwalba waxaan haystay rikoorro wanaagsan, mar walba waxaan ka dambeeyay Messi, waxaanan ku gaaray heer aad u wanaagsan Barcelona intii lagu jiray muddadai lixdii sano ahayd, waxaan siiyay wixii layga filanayay.”

“Kuma farxi doono meel aysan dadka jooga iga jecleyn, Isbeddelkan (u dhaqaaqista Atlético) waan soo dhaweeyay kaddib wixii aan ku noolaa Barcelona oo dhan iyo sida ay iila dhaqmeen dartiis.”

“Dad badan ayaa wali weydiinaya sababta aad u dooratay Atlético de Madrid, waxa muhiimka ah waa maskaxdaada, aad ayey muhiim u tahay inaad xoog yeelato oo aad aaminto inaad awood u leedahay inaad kahortagto xaaladaha adag, waligey isma dhiibin, kaddib sanadahan oo dhan aan joogay Barcelona, ​​waxaan doonayay inaan muujiyo inaan weli ku ciyaari karo heerarka ugu sarreeya, iyo kooxaha ugu caansan Spain.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles