Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Ronaldo ayaa khiyaanay Juventus”… (Maxay tahay sababta ay warbaahinta Taliyaaniga CR7 ugu tilmaameen inuu yahay khaa’in?)

$
0
0

(Turin) 10 Maarso 2021. Cinwaannada ugu waaweyn ee wargeysyada dalka Taliyaaniga ayaa lagu cambaareynayaa weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaasoo loo saarinayo eedeynta in Bianconeri ay ka hartay UEFA Champions League.

Naadiga FC Porto oo marti ku ahayd magaalada Turin ayaa ka faro-xalatay naadiga Juve iyadoo u gudubtay wareegga siddeed-dhammaadka ee tartanka horyaallada Yurub.

Ciyaartii xalay ka dhacday Allianz Stadium ayaa kusoo idlaatay 3-2 oo ay Juventus ku adkaatay kaddib 120 daqiiqo oo la ciyaaray, hase ahaatee, naadiga horyaalka Serie A difaacaneyso ayaa ku hartay sharciga goolka bannaanka (Away goal) kaddib markii uu farqiga noqday 4-4.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta dalka Taliyaaniga ayaa Ronaldo ku eedeynaysa inuu sabab u ahaa in Juve ay ka harto Champions League kaddib markii uu ka jeestay laadkii xorta ahaa ee uu dhaliyay Sergio Oliviera daqiiqaddii 114-aad ee ciyaarta.

The five-time Ballon d’Or winner turned his back on Sergio Oliveira’s free kick

Corriere dello Sport ayaa cinwaan kasoo dhigtay “waxaa khiyaanay Ronaldo” iyagoo ku doodaya in kabtanka Portugal uu ka difaaci karay laadkii xorta ahaa goolhaye Wojciech Szczesny.

Balse tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo ayaa difaacay xiddigiisa isagoo tilmaamay inay ciyaartoyda khaladaadkaas oo kale ka dhacaan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles