(Madrid) 16 Maarso 2021. Real Madrid ayaa raadineysa inay ballansato booskeeda wareegga siddeeda Champions League markii ay soo dhaweynayaan Atalanta BC lugta labaad ee wareegga 16ka caawa.
Los Blancos ayaa heysata fursad yar ka hor kulanka caawa ka dhacaya saacadda Spain ee Madrid, iyagoo diiwaan galiyay guushii 1-0 markii labada koox ay ku kulmeen lugtii hore ee 24-ka bishii Febraayo, iyadoo Ferland Mendy uu shabaqa u soo taabtay xilli dambe kooxda reer Spain.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA – Champions League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Alfredo Di Stefano
Garsooraha: Danny Makkelie (Netherlands)
Wararka kooxaha:-
Dhaawacyada Real Madrid ayaa soo kabsaday xilli dambe, iyadoo labada ciyaaryahan ee Sergio Ramos iyo Eden Hazard ay ku soo laabteen garoomada kulankii Elche ee isbuucan, inkastoo kan dambe ee reer Belgium uu garoommada ka maqnaan doono.
Mariano iyo Dani Carvajal ayaa labadoodaba seegaya kulanka lugta labaad, halka Casemiro uu jaalihii uu ku qaatay Talyaaniga ay la micno tahay inuu ganaax ku maqnaan doono.
Federico Valverde ayaa qarka u saaran inuu boos ka helo bartamaha khadka dhexe, laakiin Hazard ayaa laga yaabaa inuu ka soo bilowdo kursiga keydka toddobaadkan.
Berat Djimsiti shaki ayaa ku jiraa kaddib markii lagu qasbay inuu baxo horraantii qeybtii labaad ee kulankii Atalanta ay 3-1 kaga badisay Spezia, taasoo ay u badan tahay in Jose Luis Palomino uu kulankaan ku soo bilawdo.
Remo Freuler ayaa ganaax ku seegaya kulankan kaddib casaankii uu qaatay lugtii hore, waxaana laga yaabaa inay taasi keento inuu Matteo Pessina la wadaago Marten de Roon khadka dhexe ee kooxda martida ah.
Duvan Zapata ayaa la heli karaa oo diyaar ah kaddib markii uu ka soo muuqday kursiga keydka kulankii Sabtidii, laakiin Hans Hateboer iyo Bosko Sutalo ayaa maqan.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
>- Real Madrid ayaa soo gudubtay siddeed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay heerka bugbax UEFA Champions League iyadoo lugta hore ku soo adkaatay meel ka baxsan garoonkeeda.
>- Waa markii labaad oo ay kooxda Atalanta ay booqanayso koox ka dhisan Spain tartammada Yurub, markii ugu horreysay oo ay sidaan oo kale u dhacdo waxay ahayd xilli ciyaareedkii hore heerkaan oo kale, markaasoo ay wajaheen Valencia kuna soo garaaceen 4-3.
>- Real Madrid ayaa guuleysatay 11 ka mid ah 12-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay kooxaha Talyaaniga tartanka Champions League, waxayna dhaliyeen ugu yaraan labo gool toban ka mid ah kulammadaas.
>- Atalanta ayaa haatan ku jirta guulo xiriiriskii ugu dheeraa ee kulammada bannaanka Champions League, waxaana ay guuleysteen mid kasta oo ka mid ah shantii ciyaar ee la soo dhaafay.
>- Real Madrid ayaa guul la’aan ah afartii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay kulammada bugbaxa ee Champions League, hal kulan barbaro ayay gashay halka saddex kale la garaacay, waxaana ay si xiriir ah u guuldarreysteen labadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la kala ciyaareen Kooxaha Ajax iyo Manchester City.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-
Gool FM.