(Manchester) 02 Abril 2021. Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Manchester United ee Scott McTominay in Lionel Messi uu ugu eedeeyay si qalad ah inuu dhaawac gaarsiiyay inta lagu guda jiray ciyaartii dhex martay kooxaha Barcelona iyo Manchester United.
Manchester United ayaa ku wajahday Barcelona wareega quarter-finalka ee tartanka UEFA Champions League sanadkii 2019, Barca ayaana u soo baxday semi-finalka, kaddib markii ay 4-0 ku adkaatay lugtii labaad.
Kulanka Lugta hore, Lionel Messi waxaa wejiga ka dhaawacay daafaca reer England ee Chris Smalling, xiddiga reer Argentina ayaana markaas ku fikiray in Scott McTominay uu dhaawaca gaarsiiyay.
Haddaba Scott McTominay ayaa shabakada “ESPN” u sheegay:
“Kan adduunka ugu fiican? 100% waa Messi, waxaan horay u helay maaliyadiisa, ma ogtahay?.”
“Markii aan la ciyaarnay Barcelona sannadka 2019, Chris Smalling ayaa wajiga feer kaga dhuftay Messi, wuxuu ka dhiigay sankiisa, wuxuuna u maleynayay inaan aniga u geystay dhaawaca.”
“Waqtigaas waxaan ku iri Sergio Romero, fadlan, ma ii weydiin kartaa Messi inaan qaato maaliyadiisa?.”
“Sergio ayaa soo laabtay kaddib wuxuu igu yiri, Oh wuxuu u maleynayaa inaad adigu tahay kan wax ku dhuftay.”
“Markaa waxaan ku iri, maya, maya, waxaad u sheegtaa inaan anigu ahayn.”
Gool FM.