(Europe) 08 Mar 2017. Haddaan fiirino kulanka Champions Leage oo ay caawa Barcelona lugta 2aad ee wareega 16-ka kula yeelaneyso kooxda PSG qalad noqon meyso haddii la yiraahdo dadka daawada kubada cagta badankood ma aaminsana in kooxda reer Catalonia ay rajo badan ka leedahay inay kasoo laabato guul daradii 4-0.
Inkasta oo ay tahay shaqo aan fududeyn, haddana waa macquul in Barca ay dhanka kale u rogto natiijadii hore.
Haddii dib loogu laabto 2004, kadib markii kooxda Deportivo looga adkaaday 4-1 lugtii 1aad oo ay la yeelatay AC Milan, haddana waxaa u suurta gashay inay kala rogto natiijadii lugtii labaad ee ka dhacay Spain.
Barcelona waxay u baahnaan doontaa inay la timaado wax la mid ah sidaas si ay u yeelato rajadeeda ah inay soo gudubto.
Halkaan aan ku fiirino 3 waxyaabood oo ku caawin kara Barca inay sameyso mucjiso cusub.
GOOL DHAQSI AH:
Waxay ahayd muhiim in dhaqso gool uu dhaliyo Messi markii ay kooxda Barcelona ka hor imaatay kooxda AC Milan sanadkii 2012.
Iyadoo 2-0 lagu soo garaacay kooxda Barcelona lugtii 1aad, ayuu Messi dhaliyay gool 5 daqiiqo kaddib lugtii labaad, waxaana sii raacay taageerada uu ka helayay Camp Nou oo ka dambeeyay geesiyaashooda.
Haddii Barca hesho gool 15-ka daqiiqo ee ugu horeysa, kaddib waxaa dhici doona kulan xiiso leh taas oo in badan ciyaaryahanada ay ku dadaali doonaan inay qabtaan wax kasta oo guul ku gaari karaan.
CADAADIS SARE BALSE LA ILAALINAYO DIFAACA:
Hadday jiraan dul-duleelo laga arki karay kulankii ka dhacay garoonka PSG, gabi ahaanba waxay ahaayeen sida fudud ay PSG u maamushay qadka dhexe.
Barcelona sida iska cadeedba maysan ahayn kooxda maamuleysay garoonka qaybtiisaas waxaana looga xoog badnaa si aan horay loo arag.
Waa muhiim in Barca ay sameyso weeraro aad u abaabulan, balse sidoo kale waa muhiim in la ilaalsho difaaca si loo damiyo weerarka kooxda kale.
In la xadido awooda ay kooxda PSG u leedahay inay maamusho qadka dhexe, waa inay ahaataa waxyaabaha ugu horeeya ay lasoo gasho garoonka kooxda Barcelona.
AAMINAAD:
Ciyaaryahan kasta wuxuu u baahan yahay inuu maskax ahaan iska dhaadhacsho ama fahmo in soo laabasho ay sida saxda ah macquul tahay.
Barcelona sida la hubo waxay leedahay ciyaaryahano u diyaarsan soo noqoshada waa haddii ay fursadooda ka faa’iideystaan marka la guddoonsiiyo, iyaga oo ilaalinaya difaacooda dambe, kadib waxa dhici kara lama filaan.
Hadday kusoo galaan garoonka iyagoon wadan rajo dhameystiran ama ka go’naansho ah inay shaqadaas qabtaan, iminka ayayba jirin guushooda.
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare).
Gool FM.