(Manchester) 06 Abriil 2021. Kooxaha Manchester City iyo Dortmund ayaa caawa kulanka lugta hore ee siddeed dhammaadka Champions League ku wada ciyaari doona garoonka Etihad.
Ciyaartan ayaa kulminaysa xiddigo hore isu wajahay iyagoo kooxo kala duwan u ciyaaraya, kuwo hal koox u soo wada ciyaaray, kuwo kasoo ciyaaray Germany & England iyo kuwo wadaaga qolka labiska ee qarankooda.
>- Gündoğan waxa uu ahaa ciyaaryahan ka tirsan Dortmund intii u dhexeysay 2011 illaa 2016 xilligaasoo uu Man City ku biiray, waxaana uu dhaliyey 15 gool 157 kulan oo uu u saftay tartammada oo dhan.
Waxa uu qeyb ka ahaa xiddigihii kooxda Jarmalka kula guuleystay horyaalka Bundesliga iyo Germany Cup fasal ciyareedkii 2011/12, waxaa sidoo kale uu dhaliyey goolkii rigoorada ahaa ee Dortmund ka dhalisay Bayern Munich ciyaartii final-ka Champions League ee ka dhacday Wembley, kulankaasoo looga adkaaday kooxdiisa 2-1.
>- Gündoğan ayaa sidoo kale u soo ciyaaray Bochum (2005–09) iyo Nürnberg (2009–11) intii uu ku sugnaa Jarmalka, waxaana uu Dortmund wajahay afar kulan isagoo ka tirsan Nürnberg, laakiin nasiib darro afarta kulanba guuldarro ayaa la kulmay.
>-Jadon Sancho oo Manchester City kaga soo biiray Watford bishii Maarso ee sanadkii 2015-kii, isagoo markaas jiray 14-sano ayaa labadii xilli ciyaareed ee xigtay waxa uu ku qaatay Akadeemiga kooxda ka hor inta uusan ku biirin Dortmund bishii Agoosto ee 2017-kii.
Xiddiga ka soo ciyaaray dalka England:-
Felix Passlack (Norwich 2018/19 amaah)
Emre Can (Liverpool 2014–18)
Jude Bellingham (Birmingham 2010–20)
Xiddiga ka soo ciyaaray dalka Germany:-
Kevin De Bruyne (Werder Bremen 2012/13 amaah, Wolfsburg 2014–15)
Zack Steffen (Freiburg 2014–16, Fortuna Düsseldorf 2019/20 amaah)
Xiddigaha wadaaga qolka labiska ee qarankooda:-
İlkay Gündoğan & Emre Can, Marco Reus, Marcel Schmelzer, Mahmoud Dahoud, Julian Brandt, Nico Schulz (Germany)
Rúben Dias, João Cancelo, Bernardo Silva & Raphaël Guerreiro (Portugal)
Kevin De Bruyne & Thomas Meunier, Thorgan Hazard (Belgium)
Kyle Walker, Phil Foden, John Stones, Raheem Sterling & Jadon Sancho, Jude Bellingham (England)
Zack Steffen & Giovanni Reyna (United States)
Ciyaartoyda isku koox u soo wada ciyaaray ee caawa kulankan uu kulmin doono:-
İlkay Gündoğan & Mats Hummels, Marcel Schmelzer, Łukasz Piszczek (Dortmund 2011–16)
İlkay Gündoğan & Marco Reus (Dortmund 2012–16)
İlkay Gündoğan & Roman Bürki (Dortmund 2015/16)
João Cancelo & Emre Can (Juventus 2018/19)
Raheem Sterling & Emre Can (Liverpool 2014/15)
>- Bernardo Silva ayaa ciyaaray labadii kulan ee Monaco ay garaacday Dortmund wareggii siddeed dhammaadka UEFA Champions League ee xilli ciyaareedkii 2016/17, waxa ay guuleysteen kulankii 3-2 ku dhammaaday ee Germany iyo midkii 3-1 ee ka qabsoomay France, sidoo kale waxaa 90 daqiiqo ciyaaray kulankaas Benjamin Mendy.
>- Mahmoud Dahoud ayaa afar jeer wajahay Man City heerka guruubyada UEFA Champions League ee 2015/16 iyo 2016/17, iyadoo Mönchengladbach ay la dhibtootay saddex guuldarro isla markaana kulanka kale uu barbaro galay.
>- De Bruyne ayaa gool dhaliyey kulankii Wolfsburg 3-1 kaga adkaatay Dortmund Final-kii German Cup 30-ka bishii May ee 2015-kii, waxaana sidoo kale uu gool dhaliyey kulankii ay bannaanka kula soo ciyaareen ciyaartii barbaro 2-2 ay soo galeen 17-ka bishii December ee 2014-kii.
Gool FM.