Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Sidee ayuu Erling Haaland kaga falceliyey codsigii kaga yimid caawiyihii garsoorka kulankii Man City vs Dortmund?

$
0
0

(Manchester) 07 Abriil 2021. Caawiyaha garsooraha ee Octavian Sovre ayaa weydiisay Erling Haaland saxiixiisa intii lagu sugnaa dusmada garoonka kulankii ay Borussia Dortmund guuldarro 2-1 kala kulantay Manchester City.

Weeraryahankan ayaa ciyaaray 90-ka daqiiqo kulankii ka dhacay garoonka Etihad, iyadoo goolka guusha uu dhaliyey Phil Foden kaddib markii Marco Reus uu kansalay goolkii uu daahfurka ee uu qeybtii hore dhaliyey Kevin De Bruyne.

Haaland waa mid ka mid ah xiddigaha waa weyn ee kubadda cagta Adduunka ee ay doon doonayaan saxiixiisa kooxaha Yurub qaarkood, waxaana kooxaha la la xiriirinayo ka mid ah kooxda uu xalay garoonkeeda ku ciyaarayey ee Manchester City.

Haddaba intii uu ku sugnaa garoonka Etihad xalay calanwadaha Romanian-ka ayaa weydiistay saxiixiisa.

Kaamirooyinka BT Sport ayaa duubay Haaland oo dhoolacaddeynaya markii isagoo ku jira dusmada garoonka uu calanwaduhu weydiistay inuu u saxiixo, kamana uusan diidin xiddiga reer Norway oo waa uu u saxiixay caawiyaha garsoorka.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles