Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Waan ka xunnahay inaan baxno, iyadoo la ogyahay in Liverpool ay jeceshahay Champions League”– Jurgen Klopp

$
0
0

(Liverpool) 15 Abriil 2021. Tababare Jurgen Klopp ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay in Liverpool ay tartanka Champions League ku weyso gacamaha Kooxda Real Madrid oo xalay ka cirib-tirtay tartankaas.

Kooxda ku guuleysatay tartanka Champions League sanadkii 2019 ayaa ku dhibtootay inay dhaafto oo ay gool dhaliso goolhaye Thibaut Courtois kulankii xalay ka dhacay garoonka Anfield, kaddib markii lagu soo garaacay 3-1 kulankii lugta hore ee ka dhacay Valdebebas.

“Waxaan ku billaabanay si aad u wanaagsan, laakiin ma garanaynin sida gool loogu bedello fursadaheenna.” ayuu yiri Klopp kulanka kaddib.

“Waxay ahayd inaan guuleysanno, taasi waa taas, taasi waa waxa ay ahayd inaan sameyno.

“Hadda ma ciyaarayno Arbacooyinka, waxaan diiradda saari karnaa Premier League.

“Waan ka xunnahay, maxaa yeelay waan jecel nahay koobkaan, Tababare ahaan, waa ay igu adag tahay in aanan joogin Champions League.

“Waxaan sameyn doonnaa wax walba si aan ugu soo baxno xilli ciyaareedka soo socda.” ayuu tababaraha reer Jarmal ku soo gabagabeeyey hadalkiisa.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles