(Madrid) 26 Abriil 2021. Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa habeen dambe soo dhoweyn doonta kooxda Chelsea ciyaarta lugta hore ee wareegga nus-dhammaadka Champions League kulan ka dhici doona garoonka Alfredo Di Stefano.
Macallinka kooxda Madrid ayaa goor dhow soo saaray safkiisa diyaarka u ah ciyaarta habeenka Talaadada, waxaana markale safka Los Blancos lagu arkay Toni Kroos oo saddexdii kulan ee lasoo dhaafay dhaawac garoommada kaga maqnaa.
Waxaa sidoo kale ciyaartan ku jira Eden Hazard oo wajihi doona kooxdiisii hore ee Chelsea, inkastoo kulammada ugu badan ee xilli ciyaareedkan uu dhaawac ku seegay.
Haddaba halkan hoose kaga bogo safka rasmiga ah ee uu macallinka reer France usoo xushay inay wajahaan Blues:-
Gool FM.