(Madrid) 28 Abriil 2021. Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday in Kooxda Real Madrid ay indhaha ku hayso inay guuleysato lugta labaad ee ay wajahayaan Chelsea, kaddib markii ay xalay lugta koowaad barbaro 1-1 ah ku galeen caasimadda Spain.
Christian Pulisic ayaa hoggaanka u dhiibay Chelsea, ka hor inta uusan goolka barbaraha u keenin Karim Benzema kooxda ku ciyaareysay garoonkeeda lugta hore ee afar dhammaadka Champions League.
Hazard, kaasoo dhowaan dhaawac ka soo laabtay ayaa ka soo kacay kursiga keydka si uu daqiiqado u wajaho kooxdiisii hore ee Chelsea.
Natiijada ka soo baxday kulankii xalay ayaa ka dhigan in Real Madrid ay waajib ku tahay inay gool dhaliso lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League, si ay final-ka tartankan u wajahdo midkood Kooxaha Manchester City iyo PSG.
Intaa kaddib Hazard ayaa yiri: ‘Way fiicnaan kartaa wayna ka sii xumaan kartaa! halkaas ayaan aadi doonnaa si aan u helno guusha.
“Tallaabo talaabo ayaan qaadayaa, dabcan waxaan doonayaa inaan ciyaaro, waxaan doonayaa inaan garoonka ku jiro, waxaan ciyaaray waxoogaa yar maanta, waxaan haysannaa ciyaaro ka hor dhammaadka xilli ciyaareedka, waxaanan doonayaa inaan diyaar noqdo, waan ku faraxsanahay inaan markale ciyaaro.”
“Had iyo jeer waa ay wanaagsan tahay inaad la ciyaarto saaxiibdadaa, hadda waxaan ahay ciyaaryahan ka tirsan Real Madrid, sidaa darteed waxaan doonayaa kaliya inaan guuleysto.”
Gool FM.