Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Raphael Varane oo shaki laga gelinayo ciyaarista kulanka Real Madrid ay booqaneyso Chelsea… (Maxaa ku dhacay difaaca reer France?)

$
0
0

(Madrid) 02 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa wajaheysa cabsi kale oo ku aaddan inay kulanka Chelsea ee Champions League toddobaadkan weyso daafac kale maadaama haatan shaki badan la gelin in xiddiga Raphael Varane uu ciyaari karo kulanka soo aaddan.

Difaaca xulka qaranka Faransiiska kula guuleystay Koobka Adduunka ayaa laga saaray garoonka qaybtii nasiinnada ee ciyaartii xalay Los Blancos garaacday Osasuna kaddib markii uu xanuun badan ka dareemay lugta midig.

Maanta ayaa lagu balansan yahay inuu tijaabo hor leh maro si loo xaqiijiyo inta uu gaarsiisan yahay dhaawaca Varane, waxaana jawaabta waaxda caafimaadka ee Real Madrid la sugayaa saacadaha soo aaddan.

Tani waxay ka dhigan tahay in Macallin Zinedine Zidane uu wajahayo shaqo kale oo ah inuu maareeyo booska xiddigan sidoo kalena waxaa soo badaneysa suuro galnimada uu Kabtan Sergio Ramos ku ciyaari karo kulanka wareegga nus-dhammaadka Champions League ka tirsan ee ay Stamford Bride ku booqan doonaan Blues.

Si kastaba ha ahaatee, macallinka reer France ayaa dib u helaya xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Fede Valverde oo garoommada kaga maqnaa xanuunka Korona Fayras, waxaana tijaabadii uu maray Arbacadii lagu sheegay inuu ka kabsaday xanuunka hase ahaatee maanta ayuu tijaabo kale marayaa si loo caddeeyo inuu ciyaari karo kulanka Chelsea ee Arbacada.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles