(Madrid) 04 Maajo 2021. Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa habeen dambe safar u aadeysa garoonka Stamford Bridge ee magaalada London si ay ciyaarta lugta labaad ee wareegga nus-dhammaadka Champions League ula soo ciyaarto naadiga Chelsea, waxaana mugdi badan uu ku jiraa xaaladda taam ahaansho ee qaar ka mid ah xiddigaheeda.
Los Blancos taageerayaasheeda ayaa helay war farxad leh kaddib markii ay tababarka si buuxda u qaateen Sergio Ramos iyo Ferland Mendy kuwaaso haatan diyaar u ah inay ciyaaraan kulanka habeenka Arbcada.
Macallinka Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa la rajeynayaa inuu saacadaha soo socda soo saaro safkiisa rasmiga ah ee ka qayb galaya ciyaarta ay Blues booqaneyso, waxaana la filayaa inuu labadan daafac kusoo daro safkiisa.
Inkastoo shaki yar uu ku jiro Ramos, hadana soo laabashada Mendy ayaa gargaar u ah Zidane maadaama uusan heli karin Dani Carvajal, Lucas Vazquez, Fede Valverde oo wali sugaya jawaabta baaritaanka labaad inay caddeyso inuusan qabin Korona iyo Marcelo oo arrimo la xiriira doorashada maxalliga ah ee Spain kaga maqnaan doono safarka London.
Gool FM.