(London) 04 Maajo 2021. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha Kooxda Real Madrid ee ka qeyb-galaya kulanka habeen dambe ay booqan doonaan naadiga Chelsea, iyadoo xiddigo muhiim ah ay soo laabtaan.
Kooxda Real Madrid ayaa Ramos, Mendy, Marcelo iyo Valverde ayaa dhammaantood ku jira kulanka kooxdoodu ay u safreyso garoonka Stamford Bridge ee galbeedka Magaalada London.
Tababare Zinedine Zidane ayaa awood u yeeshay inuu shaxdiisa Real Madrid ku soo daro Sergio Ramos, Ferland Mendy, Marcelo iyo Fede Valverde, kuwaasoo la filayo inay ka soo muuqan doonaan kulanka lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League oo ay wajahayaan Chelsea.
Macallinka Real Madrid ayaa soo doortay 23-ka ciyaaryahan ee ula safri doona Magaalada London si ay habeen dambe oo Arbaco ah ugu soo ciyaaraan garoonka Stamford Bridge.
Sidoo kale waxaa liiska kooxda Real Madrid ee kulanka Blues ka mid ah saddexda xiddig ee laga soo kaxaystay Real Madrid Castilla ee kala ah; Miguel Gutierrez, Antonio Blanco iyo Sergio Arribas.
Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee booqanaya Chelsea oo dhammaystiran:-
Goolhayeyaasha: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.
Daafacyada: Eder Militao, Sergio Ramos, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy, Miguel Gutierrez.
Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Isco, Fede Valverde, Sergio Arribas, Antonio Blanco.
Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Vinicius Junior, Mariano Diaz, Rodrygo Goes.
Gool FM.