(London) 04 Maajo 2021. Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa qabtay shir jaraa’id uu kaga hadlayay kulanka kooxdiisa ay la ciyaari doonto Real Madrid lugta labaad ee semi-finalka Champions League, kaasoo berri oo Arbaco ah lagu ciyaari doono garoonka Stamford Bridge.
Ciyaartii lugta hore ee ku dhex martay labada kooxood garoonka Alfredo Di Stéfano ayaa ku dhamaatay bar-bardhac 1-1 ah, taasoo ka dhigeysa kulanka habeen dambe mid aad u xiiso badan maadaama ay koox walaba ay dooneyso inay gaarto kulanka finalka tartanka ugu muhiimsan heerka kooxaha.
Haddaba macalinka reer Germany iyo kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa shir jaraa’d uu ka soo muuqday maanta wuxuu kaga dhawaajiay:
“Si aan u ciribtirno Real Madrid waa inaan aaminnaa nafteena, haddii kale wax micno ah malahan ciyaarida kulankan, haddii aadan naftaada aaminin, wax fursad ah mahelaysid.”
“Waxaan ku kalsoonahay ciyaartoyda kooxdeyda kulanka bari, qof walba waa inay dhabarkaa saarataa mas’uuliyada si aan goolal u dhalino.”
“Waxaa laga yaabaa inaan markale la ciyaarno seddex daafac waxaana laga yaabaa inaan la ciyaarno afar, ma aaminsani sawirka laakiin qaab ciyaareedka, gaar ahaan marka aad la ciyaareyso Real Madrid. Su’aashu waxay tahay miyaan yeelan doonaa geesinimo nagu filan?.”
“Caqabada ayaa ah in la iloobo natiijada, waxaan uga qeyb gali doonaa kulanka qaabkeena caadiga ah, ma aqaan wado kale, haddii aan ku jirno sida ugu fiican, waxaan dooneynaa inaan guuleysano, halkan Chelsea, shuruuda marwalba waa inaad guuleysato.”
“Ma aqaano qorshaha ay Real Madrid ku ciyaari doonto. Waxaan diirada saari doonaa nafteena oo kaliya. Waa inaan kalsooni ku qabnaa nafteena oo aan ka cabsanin kooxda naga soo horjeedda maxaa yeelay waxaan u qalanaa inaan joogno semi-finalka.”
Gool FM.