Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Dowladda Ingiriiska iyo UEFA oo maanta kulan ku balansan…(Maxaa loogaga hadlayaa?)

$
0
0

(England) 10 Maajo 2021. Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee magaciisa loo soo gaabiyo UEFA ayaa lagu soo warramayaa inuu maanta wada xaajood la billaabayo dowladda UK si ay kaga la xaajooto qabsoomidda ciyaarta fiinaalka Champions League iyo inay ka dhacdo halkii u qorsheyneyd iyo taariikhdii lagu jadwaleeyay in la ciyaaro.

Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa ku balansan ciyaarta fiinaalka Champions League xilli ciyaareedkan inay ku ciyaaraan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga daba-yaaqada bishan, balse dowladda Turkiga ayaa diiwaanka gaduudan ku dartay duulimaadyada kaga imaanaya Ingiriiska taasoo caqabad ku ah in kooxaha fiinaalka jooga ay u safraan Istanbul.

Sidaas darteed, xiriirka UEFA iyo dowladda Ingiriiska ayaa ka doodaya in ciyaarta fiinaalka Champions League lagu ciyaaro gudaha England oo laga soo wareejiyo magaaladii xaqa loo siiyay inay marti geliso fiinaalka tartankan xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay iyo kan haatan gaba-gabada maraya.

Sanad ciyaareedkii lasoo dhaafay ayay Istanbul ku weysay marti gelinta fiinaalka kaddib markii dunida uu aafeeyay xanuunka Korona Fayras, waxaana xilligaas ciyaarihii ugu dambeeyay ee Champions League lagu ciyaaray magaalada Lisbon ee dalka Portugal.

Haatanna waxaa lagu soo warramayaa in ciyaarta fiinaalka ee u dhexeysa Man City iyo Chelsea loo soo wareejiyo gudaha England, maalinta berri ah ayaana la filayaa in la shaaciyo go’aanka ka soo baxa UEFA iyo UK ee ku aaddan halka lagu ciyaari doono fiinaalka Champions League sanad ciyaareedkan 2020-21.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles