(Monaco) 16 Maajo 2017 – Laacibka khadka dhexe ee kooxda Manchester City ayaa isagoo xiran calaamada hoggaaminta kooxdiisa Sky Blue lagu soo bilaabay safka hore kulankii Champions League ee ay caawa kooxdiisu guuldarrada kala kulantay naadiga Monaco.
Kooxda Monaco ayaa 3-1 ku garaacday Man City lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League, waxaana ciyaartan uu Silva saftay kulankii 50-aad ee koobka horyaallada Yurub.
David Silva oo caawa saftay kulankiisii 50-aad ee Champions League ayaa sidaas ku noqday xiddigii 25-aad ee Spain ah oo heerkaas gaara.
Man City ayaa laga cirib tiray koobka horyaallada Yurub ee Champions League waxaana Ingiriiska koobkan u matali doonta kaliya kooxda Liecester City.
The captain is all set to make his 5️⃣0️⃣th appearance in the #UCL tonight
pic.twitter.com/gUkvjTG10F
— Champions League (@ChampionsLeague) March 15, 2017
Gool FM.