(Yurub) 24 Juun 2021. Sharciga goolasha martida (Away Goals) ayaa laga saari doonaa tartammada Kooxaha Yurub, laga bilaabo xilli ciyaareedka cusub ee 2021/22.
War goordhow soo baxay ayaa lagu xaqiijiyey in sharciga away goals laga saari doono dhammaan tartammada Kooxaha Yurub ee ay maamusho UEFA laga bilaabo fasal ciayareedka 2021/22.
Tusaale ahaan haddii labada kooxood ee ciyaaraya tartan Kooxaha Yurub ah ay dhaliyaan goolal isku mid ah labada lugood ee minin iyo martida ah, waxaa loogu dari doonaa 30-daqiiqo oo dheeri ah oo min 15-daqiiqo qeybtiiba la ciyaari doono (Extra Time).
Haddii ay waqtiga dheeriga ah ku kala bixi waayaanna labada kooxoodna waxaa si toos ah loo aadi doonaan gool ku laadyo ama rigooreyaal.
Gool FM.