(Istanbul) 26 Agoosto 2021. Waxaa caawa xafladda isku aadka wareegga guruubyada ee Champions League lagu bixin doonaa abaal-marinta Tababaraha ugu wanaagsan qaaradda Yurub ee sanadka dhanka Dumarka, taasoo loo yaqaano UEFA Women’s Coach of the Year, isla markaasna la guddoonsiiyo Macallinka shaqada ugu wanaagsan qabtay xilli ciyaareedkii tagay dhanka hablaha.
Waxaa tartanka abaal-marinta hanashadeeda isugu haray saddexda Tababare ee Lluís Cortés oo horkaca Barcelona, Peter Gerhardsson oo hoggaamiya xulka hablaha Sweden iyo Emma Hayes oo hoggaamisa kooxda Chelsea.
Macallimiinta sharraxan iyo wax-qabadkooda:-
Lluís Cortés (Barcelona, haatanna shaqo la’aan ah)
Waxaa tababaraha koowaad ee Barcelona loo soo dallacsiiyay bishii Jannaayo ee sanadkii 2019, waxaana isla sanadkaas uu Barca gaarsiiyay fiinaalkii UEFA Women’s Champions League isagoo xilli ciyaareedkanna ku hoggaamiyay naadiga reer Spain hablaheeda inay tartanka gacanta ku dhigaan iyagoo ciyaartii fiinaalka ee ka dhacday magaalada Gothenburg 4-0 ku xasuuqay Chelsea, waxaana intaas u raacsan inay kooxda dummarka Barcelona u gacan geliyay labada tartan ee laga ciyaaro gudaha Spain ee horyaalka iyo koobka boqorka iyadoo kooxdiisa ay dhalisay 208 gol kaddib 47 kulan oo ay ciyaartay tartammada rasmiga ah xilli ciyaareedkii hore.
Macallin Cortés ayaa booska saddexaad kasoo galay codeyntii abaal-marintan ee sanadkii tagay kaddib shaqadii wacneyd ee uu qabtay fasalkii 2019/20, balse waxa uu shaqada kooxda hablaha Barcelona uu ka tagay bishii June ee sanadkan.
Peter Gerhardsson (Sweden)
Gerhardsson ayaa loo magacaabay macallinka xulka hablaha dalka Sweden sanadkii 2017 isagoo horraan usoo maamulay Häcken ee ragga.
Macallinkan ayaa ka caawiyay gabdhaha xulka Sweden inay gaaraan wareegga nus-dhammaadka ee FIFA Women’s World oo 2019 lagu qabtay dalka Faransiiska isagoo sidaas ku xaqiijiyay booska uu xulkiisa ku leeyahay ciyaarihii Olimbikada ee lagu qabtay Japan xagaagan.
Waxaa intaas usii dheer in Gerhardsson uu hablaha xulka Sweden ka saaciday inay xaqiijiyaan ka qayb-galkooda koobka UEFA Women’s EURO 2022 oo xagaaga soo socda la ciyaari doono iyadoo xulkiisa uu ka mid yahay kuwa ugu cad-cad.
Emma Hayes (Chelsea)
Emma ayaa macallin u ah kooxda Chelsea tan iyo 2012, waxaana hablaha Blues ay gacanta ku dhigeen horyaalka Ingiriiska ee hablaha xilli ciyaareedkii hore waana markii afaraad inta ay xukunka heyso macallimmaddan, sidoo kale waxay difaacatay tartanka League Cup-ka iyadoo kooxdeeda ku hoggaamisay markii ugu horreysay inay gaaraan fiinaalka UEFA Women’s Champions League
Naadiga kale ee kaliya ee ka dhisan Ingiriiska taasoo gaartay fiinaalka tartanka horyaallada yurub ee qaybta dumarka waxay ahayd Arsenal oo 2007 tartanka ku guuleysatay, markaasna Emma waxay ku jirtay caawiyeyaasha tababaraha.
Tababareyaasha kale ee soo galay tobanka sare iyo dhibcaha ay heleen:-
4 Olivier Echouafni (Paris Saint-Germain, haatanse shaqo la’aan ah) – 24
5 Jens Scheuer (Bayern München) – 17 Dhibcood
6 Rita Guarino (Juventus, haatanse ku sugan Internazionale Milano) – 10 Dhibcood
= Anna Signeul (Finland) – 10 Dhibcood
8 Sarina Wiegman (Netherlands, haatanse macallin u ah England) – 7 Dhibcood
9 Gareth Taylor (Manchester City) – 5 Dhibcood
10 Jorge Vilda (Spain) – 3 Dhibcood
Maxay tahay abaal-marinta UEFA Women’s Coach of the Year?
Abaal-marintan waxaa u tartamma Macallimiinta hoggaamiya kooxaha iyo xulalka Yurub ee hablaha, iyadoo aanan la eegeyn dalka iyo qaaradda ay kasoo jeedaan, waxaana lagu doortaa shaqada wacan ee ay ka soo qabteen tartammada horyaallada iyo kuwa qaaradda Yurub ee heer naadi ama heer qaran gaar ahaanse ciyaaraha gabdhaha.
Sidee lagu soo doortay musharraxiinta ugu dambeysa ee Macallimiinta tartamaya?
Saddexda macallin ee isugu soo haray kama dambeysta abaal-marinta macallinka ugu wanaagsan dhanka hablaha ayaa waxaa soo xushay guddi ka kooban tababareyaasha kooxaha dumarka ee ka qeyb-galay wareeggii 16-ka ee UEFA Women’s Champions League xilli ciyaareedkii hore ee 2020/21 iyo 20 Suxufi oo u gaar ah kubadda cagta dumarka isla markaana uu soo doortay ururka ESM group ee ay ku mideysan yihiin Saxaafadda Isboortiga qaaradda Yurub.
Qolooyinka wax codeynaya ayaa dooraneysa saddexda Macallin ee ugu sarreysa iyadoo Tababaraha booska koowaad loo qorayo shan dhibcood, kan booska labaadna saddex dhibcood, kan saddexaadna hal dhibic, waxaana tababareyaasha aanan loo ogoleyn inay isu codeeyaan.
Gool FM.