(Manchester) 04 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku dhawaaqday 25-ka ciyaaryahan ee uga qeyb-qaadanaya wareegga koowaad ee heerka guruubyada tartanka Champions League.
Waxaa xiddigahan dib uga soo biiri doona ciyaartooy da’yar u badan oo ku jira liiska B ee Man United.
Man United ayaa Guruubka F waxa ay ku wehliyaan Kooxaha Villarreal, Atalanta iyo Young Boys, waxaana liiska uu ku dhawaaqay Macallin Ole Gunnar Solskjaer waxaa ku jira Cristiano Ronaldo oo dhowaan dib ugu soo laabtay Old Trafford.
Xiddigahan oo Man United uga qeyb-galaya wareegga hore ayaa loo gudbiyey UEFA, waxaana liiskan laga reebay Lee Grant, laakiin waxaa lagu daray David de Gea, Dean Henderson iyo Tom Heaton oo noqonaya saddexda Goolhaye ee Kooxda.
Jesse Lingard ayaa lagu soo daray xiddigaha Manchester United, sidoo kalena da’yarka reer Senegal ee Amad Diallo oo dhowaan uu burburay heshiis amaah ahaa oo uu ku tegi lahaa Feyenoord kaddib markii uu dhaawac soo gaaray ayaa ku jira liiskan.
Cristiano Ronaldo iyo Marcus Rashford ayaa hoggaaminaya weerarka, halka Mason Greenwood uu ku jiro liiska xiddigaha da’yarta ee Liiska B.
Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska koowaad ee xiddigaha Manchester United ee loo gudbiyey xiriirka UEFA:-
Goolhayeyaal: David De Gea, Tom Heaton iyo Dean Henderson.
Difaacyada: Victor Lindelof, Harry Maguire, Eric Bailly, Raphael Varane, Aaron Wan-Bissaka, Diogo Dalot, Luke Shaw iyo Alex Telles.
Khadka dhexe: Nemanja Matic, Scott McTominay, Fred, Donny Van de Beek, Paul Pogba, Bruno Fernandes, Jesse Lingard, Juan Mata, Jadon Sancho iyo Amad.
Weerarka: Cristiano Ronaldo, Anthony Martial, Marcus Rashford iyo Edinson Cavani.
Gool FM.