Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Tababare Julian Nagelsmann: “Qaar ka mid ah Xiddigaha Barcelona ayaa xoroobi doona Messi la’aantiis”

$
0
0

(Munich) 07 Sebt 2021. Kooxda Barcelona ayaa martigelin doonta Bayern Munich kulankooda ugu horreeya ee heerka Guruubyada Champions League, kaasoo la qorsheeyay inuu qabsoomo 14-ka bishaan September, Tababare Julian Nagelsmann ayaana aaminsan in Blaugrana ay noqon doonto koox ka duwan sidii hore la’aanta Lionel Messi.

Tababaraha Bayern Munich ee Nagelsmann ayaa sharraxay in ciyaartoy gaar ah ay qaadan doonaan xorriyaddooda cusub si ay u dhex mushaaxaan goobihii uu hore u haystay Weeraryahanka haatan ee Kooxda Paris Saint-Germain.

“Ciyaaryahan weyn ayaa tagay oo ah mid shaabbadiisu kooxda saarnayd sano,” ayuu yiri Nagelsmann oo intaa raaciyey: “Messi saameyn badan ayuu ku lehaa Garoonka, dibaddiisa iyo sidoo kale qolka labiska.”

“Waxa kale oo uu qaatay go’aamo urureed, taasoo iga dhigaysa inaan u malaynayo inay jiraan ciyaartoy hadda xoogaa xornimadooda heli doona, isla markaana buuxin doona booskii uu haystay.

“Waa ciyaaryahan heer caalami ah oo yaqaan sida loo go’aamiyo kulammada kaligiis, koox walba oo haysata Messi waa ay fiican tahay, marka loo eego Messi la’aantiis.”

Macallin Nagelsmann ayaa aad u ammaanay Magaalada Barcelona iyo garoonka kooxda, maadaama uu tirinayo maalmaha ka harsan kulanka ay Barcelona ku wajahayaan garoonka Camp Nou.

“Waxaan sugeynaa inaan wajaho Kooxda Barcelona isbuuca soo aaddan,” ayuu hadalkiisa raaciyay Nagelsmann.

“Waxa aan ku ciyaari doonnaa magaalo cajiib ah iyo garoon weyn, labo kooxood oo leh dhaqan cajiib ah iyo taageerayaal waa-weyn ayaa iska hor iman doona”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles