(Manchester) 13 Sebt 2021. Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha kooxda Manchester United uga qeyb galaya kulanka habeen dambe ee Champions League.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa magacaabay 22 ciyaaryahan oo kaliya oo uu ula safrayo Waddanka Switzerland, halkaasoo ay kula soo ciyaarayaan habeen dambe Naadiga Young Boys, waxaana hoggaaminaya Cristiano Ronaldo.
Xiddigaha Manchester United waxaan lagu soo darin oo laga reebay Weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani oo markii horeba seegay kulankii Sabtidii ee Newcastle United.
Macallin Ole ayaa horay u sheegay in Cavani uu jug dareemayo Sabtidii, taasoo seejisay kulankii Newcastle, balse waxaa la filayay inuu qeyb ka noqon doono kulanka habeen dambe ee Champions League, laakiin waa uu seegay markale.
Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Kooxda Manchester United uga qeyb-gaya kulanka habeen dambe ee Champions League:-
De Gea, Heaton, Kovar; Bailly, Dalot, Lindelof, Maguire, Shaw, Varane, Wan-Bissaka; Fernandes, Fred, Lingard, Mata, Matic, Pogba, Sancho, Van de Beek; Elanga, Greenwood, Martial, Ronaldo.
Gool FM.