(Barcelona) 14 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa kulanka ugu horreeya ee wareegga guruubyada Champions League garoonkeeda kusoo dhoweyneysa naadiga Bayern Munich oo ka mid ah kooxaha loo saadaalinayo hanashada tartankan.
Markii ugu dambeysay ee ay labada naadi isku arkaan tartanka horyaallada Yurub waxay ahayd sanadkii hore ee 2020 markaas oo ay Bayern 8-2 ku xaaqday Barca, caawase Bluagrana ayaa maanka ku heysa aargoosi muuqda marka ay isku arkaan ciyaarta ugu horreysa ee guruubka E.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Europe – Champions League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Fiidnimo xilliga Geeska Afrika.
Garoonka: Camp Nou
Garsooraha: Michael Oliver (England)
Wararka Kooxaha:
Martin Braithwate ayaa ka maqnaan doona naadiga Barcelona kaddib dhaawac halis ah oo kasoo gaaray jilibka, waxaana la filayaa inay booskiisa qaataan midkooda Philippe Coutinho oo taam buuxa u ah ciyaartan iyo xiddiga xagaagan kusoo biiray Barca ee Luuk de Jong oo heli kara safashadiisa ugu horreysa.
Sidoo kale, waxaa Barcelona ka maqnaan doona ciyaartan Ansu Fati, Ousmane Dembélé iyo Sergio Agüero oo dhammaantood dhaawacyo kala duwan qaba, halka Sergino Dest isaguna shaki la gelinayo maadaama uu anqowga ka xanuunsanayo.
Dhinaca kale, keliya Kingsley Coman iyo Corentin Tolisso ayay xaqiijisay Bayern Munich inay ciyaartan dhaawacyo kaga maqnaan doonaan halka Serge Gnabry oo dhaawac kaga baxay kulankii horyaalka Bundesliga ee toddobaadkan uu kusoo laabtay safka ciyaartan u matala kooxda reer Germany.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Kani waa kulankii ugu horreeyay ee ay labadan naadi isku arkaan tartanka Champions League tan iyo guuldarradii 8-2 ee soo gaartay Barcelona xilli ciyaareedkii 2019/20, dhinaca kalena, waa markii ugu horreysay ee ay ku kulmaan wareegga guruubyada ee tartankan tan iyo 1998/99.
Markii ugu dambeysay ee ay wareegga guruubyada isku arkaan, Barca ayaa la garaacay labada lug, waxayna ku hartay guruubka maadaama ay ku dhammeysatay booska saddexaad.
Marka la isku daro dhammaan tartammada waaweyn ee qaaradda Yurub, Barcelona ayaa toddobo guuldarro kala kulantay Bayern, waana in ka badan inta ay kala kulantay kooxaha kale, 11 is arag oo ay wada ciyaareen, waxay kooxda reer Spain adkaatay labo jeer, oo qura, labo kale ayaa ku dhammaaday barbarro, toddobo jeerna waxaa adkaatay kooxda Bavarians.
Bayern Munich ayaa guuldarro la’aan ah 18-kii ciyaarood ee ugu dambeeyay Champions League oo ay bannaanka kusoo ciyaartay, waana rikoorkeeda ugu wanaagsan kulammada bannaanka Champions League taariikhdeeda.
Barca ayaa iyaduna guuldarro la’aan ah kulanka furitaanka wareegga guruubyada Champions League tan iyo xilli ciyaareedkii 1997/98 markaas oo ay Newcastle United 3-2 kusoo garaacday kooxdii uu hoggaaminayay Louis van Gaal, 22-kii xilli ciyaareed ee ka dambeeyay oo ay Barcelona tartankan ciyaartay ma aysan la kulmin guuldarro kulanka furitaanka iyadoo adkaatay 17 jeer, shanta kalena barbarro ayay gashay.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-
Barcelona:
Bayern Munich:
Gool FM.