(Munich) 14 Sebt 2021. Madaxweynihii hore ee Kooxda Bayern Munich, Uli Hoeness ayaa u muuqda mid ku dadaalaya sidii uu hoos ugu dhigi lahaa maqaarka Real Madrid, isagoo sheegay in David Alaba ay riyadiisu ahayd inuu u ciyaaro Barcelona ee aysan ahayn inuu u dheelo Los Blancos.
Alaba ayaa beeca xorta ah uga tagay kooxda haysata horyaalka Jarmalka suuqii xagaaga si uu ugu biiro Real Madrid, waxaana uu ahaa mid ka mid ah saxiixyadii ugu fiicnaa ee suuqa kala iibsiga.
“Isagu [Alaba] wuxuu ii sheegay hadda ka hor: ‘Riyadeydu waa inaan maalin u ciyaaro Barcelona’” – Hoeness ayaa sidaas u sheegay Bayern 1. wuxuuna hadalkiisa intaa ku daray: “Sidaas darteed waxaan weydiiyay inuu doonayo inuu la xaajoodo maamul iska caabinaya inuu musalafo.”
Bayern Munich ayaa caawa tartanka Champions League ku wajahaysa Kooxda Barcelona, iyadoo Naadiga Bavarians ay booqanayso kooxda reer Catalans, kulan qeyb ka ah heerka guruubyada ee Koobka horyaallada Yurub.
Hoeness ayaa dhinaca kale ka hadlay kulanka Champions League ee caawa labada kooxood ku dhexmaraya Barcelona, waxaana uu sheegay in Barcelona aysan ahaan karin mid ay ku daysadaan, isla markaana Bayern Munich ay ugu cad-caddahay kulankaas, maxaa yeelay waxa uu xusay in Barcelona aysan noqon karin midda ugu wanaagsan sababtoo ah inay iska iibiyeen ciyaartooy muhiim ah iyo dhibaatooyinkooda dhaqaale ee haysta.
Gool FM.