Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Horudhac: Inter Milan vs Real Madrid… (Nerazzurri oo xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah guruubka ku wajaheysa naadiga ugu guulaha Champions League)

$
0
0

(Milan) 15 Sebt 2021. Kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah ku kulmaya wareegga 16-ka ee tartanka Champions League iyadoo fasalkii lasoo dhaafay ay labada ciyaar wada guuleysatay Los Blancos.

Nerazzurri ayaa ku dhammeysatay booska ugu hooseeya ee guruubkooda fasalkii hore ee 2020/21, haatan se, Macallin Simone Inzaghi iyo xiddigahiisa ayaa maanka ku haya inay ka meyrtaan tii dhacday xilli ciyaareedkii hore.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Yurub – Champions League

Saacadda ay bilaabaneyso ciyaarta: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka: Giuseppe Meazza

Garsooraha: Daniel Siebert (Germany)

Wararka kooxaha:-

Inter Milan ayaa ka bad qabta dhibaatooyin dhaawac oo daran inkastoo uu dhaawac jilibka ah ciyaartan ku seegayo xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ee Stefano Sensi halka difaaca dhallinta yar ee Alessandro Bastoni uu kasoo kabtay dhaawacii balse aanan halis la gelin doonin ciyaartan.

Geesta kale, Real Madrid ayaa waxaa soo food saaray dhaawacyo cusub iyadoo difaacyada bidix ee Ferland Mendy iyo Marcelo ay dhaawacyo muruqa ah ku seegayaan ciyaartan, halka ay sidoo kale sii maqnaan doonaan Toni Kroos, Gareth Bale iyo Dani Ceballos oo iyaguna la tacaalaya dhaawacyo kala duwan, balse waxaa safka ciyaarta caawa kusoo laabtay David Alaba iyo Luka Jovic kuwaasoo seegay kulankii toddobaadkan ee La Liga oo ay 5-1 Los Blancos kaga adkaatay kooxda Celta Vigo.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Waa xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah oo ay Champions League ku kulmayaan kooxaha Inter Milan iyo Real Madrid waliba hal guruub, kooxda reer Spain ayaana fasalkii hore labada lug wada adkaatay iyadoo dhiggeeda ku dishay 5-2 wadarta labada lug.

Inter ayaa guuldarro la kulantay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay Madrid kaga hor tagtay tartammada Yurub iyadoo gaartay kaliya hal guul kulammadaas, waana guuldarrooyin la eg inta ay kala kulantay Los Blancos 12-kii is arag ee ugu horreeyay labada naadi.

Real Madrid ayaa kaliya hal guul kaga soo gaartay bannaanka naadiga Inter siddeed jeer oo ay ku booqatay koobka horyaallada Yurub, labo barbarro ayay soo gashay, shan jeerna waa lasoo garaacay.

Macallinka Inter ee Simone Inzaghi ayaa labo jeer wajahay Macallin Carlo Ancelotti xirfaddiisa macalinnimo, min 2-1 ayaana lagu garaacay Inzaghi.

Karim Benzema ayay u noqoneysaa xilli ciyaareedkii 17-aad oo xiriir ah oo uu kasoo muuqdo tartanka Champions League, waxaana uu u baahan yahay hal gool si uu u dhaafo halyeyga Real Madrid ee Raul Gonzalez kaasoo ah xiddiga afaraad ee ugu goolasha badan taariikhda tartankan, waxayna labadooda haatan wada leeyihiin 71 gool.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Inter Milan:

Real Madrid:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles