(London) 19 Sebt 2021. Goolhayaha Chelsea ee Edouard Mendy ayaa sharraxay sirta ka dambeysa inuu booska koowaad ka helo Kooxdiisa tan iyo markii uu ku soo biiray sanad ka hor.
29-sano jirka reer Senegal ayaa Stamford Bridge kaga soo dhaqaaqay dhanka Naadiga Rennes ee dalka Faransiiska, markaasoo uu Chelsea hoggaaminayey Frank Lampard, isagoo booska koowaad sii haystay illaa xukunka Thomas Tuchel.
“Marka aad u ciyaareysid koox heerkan oo kale ah, waxa aad la kulmaysaa loollan adag oo dhanka booska ah, waxaadna u dagaalamaysaa inaad ciyaarto” ayuu Mendy u sheegay Website-ka rasmiga ee Kooxda Blues, ka hor kulanka caawa ee London Derby oo ay la leeyihiin Spurs.
“Waad arki kartaa Manchester City iyo Liverpool, waxaa jooga labo goolhaye oo diyaar u ah inay ciyaaraan, sidaas darteed waa inaad noqotaa mid naftiisa iyo kooxdiisaba u fiican, maxaa yeelay marka Macallinku garoonka ku soo geliyo waa inaad muujisaa sababta uu kuugu yeeray.
“Mar walba waa inaad muujisaa, sidoo kale waa inaad isku taageertaan tababarka, waa tartan, Kepa Arrizabalaga, aniga ama Marcus Bettinelli, waxaan doonaynaa inaan noqonno kan ugu fiican kooxda.” ayuu hadalkiisa ku sii daray shabaq ilaaliyaha Chelsea.
Mendy oo shabaqiisa gool ka ilaashaday 29 ka mid ah 50-kii kulan oo uu xirnaa maaliyadda Blues ayaa ku guuleystay Champions League bishii May, waxaana sidoo kale todobaadkan loo gacan geliyey abaal-marinta goolhayaha Sanadka ee Yurub … (Uefa Men’s Goalkeeper of the Year for 2020-21).
Gool FM.