(Manchester) 28 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaan qorsheynaynin inay Macallin Ole Gunnar Solskjaer ka yareyso waajibaadkiisa maamul sida wararku ay tilmaamayaan.
Tababaraha reer Norway ayaan weli wax koob ah ku guuleysan tan iyo markii xilka Macallinnimo ee kooxda loo magacaabay bishii December ee sanadkii 2018-kii, waxaana ay kooxdiisu la dhibtoonaysaa saddex guuldarro afartiisii kulan ee ugu dambeeyey tartammada oo dhan.
Mustaqbalka fog ee Solskjaer ee garoonka Old Trafford ayaa calaamad su’aal la geliyey, inkastoo heshiiskiisa haatan ee Red Devils uu ku eg yahay sanadka 2024-ka.
Shabakadda ESPN ayaa warinaysa in Madaxda Man United ay ku qanacsan yihiin in Solskjaer uu kooxda dib ugu celin doono hanashada horyaalka Premier League kaddib imaatinka Jadon Sancho, Raphael Varane iyo Cristiano Ronaldo.
Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Solskjaer uu haysto taageero aan qarsooneyn oo uu ka helayo qoyska kooxda iska leh ee reer Glazer iyo Ed Woodward, iyadoo kooxda Man United ay haatan ku jirto kaalinta afaraad ee kala sarreynta Premier League kaddib lix kulan oo la ciyaaray.
48-sano jirkaan ayaa guuleystay 75 kulan oo ka mid ah 140 kulan oo uu hoggaamiyey Man United tan iyo markii si joogto ah loogu dhiibay hoggaanka kooxda.
Haatan waxa ay Macallin Ole iyo Manchester United isku diyaarinayaan kulanka habeen dambe ee Champions League oo ay wajahayaan Villarreal, iyadoo kulankoodii koowaad ee heerka guruubyada tartankan guuldarro kala soo kulmay Young Boys.
Gool FM.