Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Tuchel oo xaqiijiyay maqnaanshaha AFAR ka mid ah xiddigaha Chelsea kulanka Malmo ee Champions League

$
0
0

(London) 01 Nof 2021. Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay inay ka maqan yihiin afar ka mid ah xiddigaha kooxda kulanka Malmo ay kula ciyaarayaan tartanka Champions League, habeen dambe ee Talaadada.

Kooxda Chelsea ayaa ku booqan doonta dhigeeda Malmo garoonkeeda Eleda Stadion, si ay u wada ciyaaraan ciyaar qeyb ka ah kulammada afaraad wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League.

Haddaba Thomas Tuchel oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka habeen dambe ee Malmo, ayaa wuxuu magacaabay afarta ciyaaryahan ee ka maqan kooxdiisa, wuxuuna yiri:

“Mason Mount, Romelu Lukaku, Timo Werner iyo Mateo Kovačić ma joogi doonaan kulanka Malmo, Christian Pulisic ayaa ku soo laaban doona liiska.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles