Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Macallinka Liverpool ee Jurgen Klopp oo xaqiijiyey dhaawaca xalay soo gaaray Roberto Firmino

$
0
0

(Liverpool) 04 Nof 2021. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dhabarjab la kulantay kulankii xalay ay ka adkaadeen Atletico Madrid ee Champions League, kaddib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaaray weeraryahankooda Roberto Firmino.

Goolal ka kala yimid Diogo Jota iyo Sadio Mane ayaa ka saaciday in Reds ay 2-0 ku marto kooxda reer Spain, waxaana ay xaqiijisteen booskooda wareegga 16-ka koobka horyaallada Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, akhbaar aan wanaagsanayn ayaa u soo hoyatay Jurgen Klopp kaddib markii uu ku qasbanaaday inuu kulanka ka saaro Firmino 30-kii daqiiqo ee ugu horreeyey ciyaarta.

Isagoo warbaahinta la hadlay kaddib kulankii ka dhacay Anfield, Klopp ayaa xaqiijiyey in xiddiga reer Brazil uu dhaawac muruqa ah soo gaaray, isla markaana ay tahay markii labaad oo uu dhaawacaas oo kale soo gaaro xilli ciyaareedkan.

30-sano jirkaan afar todobaad garoommada kaga maqnaa dhaawac kan la mid ah, kaasoo ka soo gaaray kulankii ay la yeesheen Chelsea bishii September ee ka hor ciyaaraha caalamiga ah.

Firmino ayaa la qiimeyn doonaa xaaladdiisa dhaawac maalmaha soo aaddan, waxayna u muuqataa inaan halis la gelin doonin kulanka ay Liverpool Axadda la leedahay West Ham United.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles