Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Real Madrid ayaa ugu cad-cad hanashada Champions League” – Iker Casillas

$
0
0

(Madrid) 12 Nof 2021. Halyeeyga Real Madrid ee Iker Casillas ayaa u saadaaliyay kooxdiisii ​​hore inay ku guuleysato Champions League.

Real Madrid ayaa ku jirta Group D ee heerka Groupyada tartanka Champions League, waxaana ku wehliya kooxaha Inter Milan, Sheriff, iyo Shakhtar Donetsk oo ka socota Ukraine.

Real Madrid ayaa hadda hoggaanka u haysa Group-keeda D iyada oo leh 9 dhibcood, waxaana kaalinta labaad ku jirta kooxda reer Talyaani ee Inter Milan oo 2 dhibcood ka hooseysa.

Haddaba wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay halyeeyga kooxda Real Madrid ee Iker Casillas, wuxuuna yiri:

“Kooxda ugu cad-cad ee ku guuleysan doonta Champions League? Waxaan qabaa in Real Madrid ay ku guuleysan karto koobka.”

“Waxaa jira 4 ama 5 musharax, sida aan u arko, waxaan qabaa in Bayern Munich ay tahay musharax aan caadi ahayn, laakiin Real Madrid ayaa sidoo kale ka mid ah musharaxiinta.”

“Real Madrid waxa ay awooday inay ku soo darto safkeeda koox dhalinyaro ah oo aad u fiican, kuwaas oo kooxda ka caawin kara inay ku guulaysato koobka.” Ayuu hadalkiisa ku soo xiray halyeeyg Los Blancos ee Iker Casillas.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles