Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Madaxwaynaha Bayern Munich oo sheegay in Ancelotti ay ka go’antahay inuu reebo Real Madrid

$
0
0

(Munich) 27 Maarso 2017 Madaxwaynaha kooxda Bayern Munich ee Uli Hoeness ayaa sheegay in tababare Carlo Ancelotti ay ka go’antahay inuu reebo kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Bayern Munich oo soo mayd garaacday kooxda Arsenal wareegii 16-ka ayaa lagu beegay kooxda Real Madrid sideed dhamaadka koobka horyaalada yurub.

Uli Hoeness ayaana sheegay in Ancelotti uu sifiican u garanayo kooxdiisii hore oo uu u qaaday Champions League 2014.

ancelotti

“Ancelotti sifiican ayuu u garanayaa Real Madrid iyo ciyaartoydeedaba, wuxuu doonayaa inuu reebo, waayo qaabkii uu uga tagay kooxda boqortooyada Spain ma ahayn mid wanaagsan” ayuu yiri Uli Hoeness.

“Ma doonayn inaan wajahno Real, waayo mid kamid ah kooxaha ugu fiican koobka ayaa hari doonta, waxaan doonaynaa kaliya inaan ilaashano taam ahaanshaheena kulanka Real Madrid iyo kan Borussia Dortmund”.

Image result for Uli Hoeness

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles