(Manchester) 22 Feb 2022. Tababaraha kooxda Manchester United ee Ralf Rangnick ayaa ammaanay doorka weyn ee uu ka ciyaaray tababaraha reer Argentina ee Diego Simeone, in Atlético Madrid ay ka mid noqoto kooxaha ugu fiican Yurub.
Manchester United ayaa habeen dambe ee Arbacada ku booqan doonta kooxda Atlético Madrid garoonka Wanda Metropolitano, si ay u wada ciyaaraan ciyaar qeyb ka ah kulammada lugta hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League.
Haddaba Ralf Rangnick ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu ammaanay doorka wanaagsan uu Simeone ka ciyaaray mashruuca kAtletico Madrid, wuxuuna yiri:
“Berri waxaan ka shaqeyn doonaa inaan helno natiijada ugu macquulsan.”
“Laakiin haddii ay ciyaarta ku dhammaato barbardhac wali ma jirto wax la go’aamiyay, sababtoo ah waxaa la ciyaari doonaa kulan lugta labaad ah oo lagu ciyaari doono garoonka Old Trafford.”
“Champions League, waxaad had iyo jeer u baahan tahay inaad bixiso wax qabadka ugu macquulsan, maskax ahaan iyo jir ahaanba, waa inaan u diyaargarownaa kulankan, waxaanan leenahay khibrad nagu filan oo aan ku sameyn karno.”
Isaga oo ka hadlayay tababaraha reer Argantina ee Diego Simeone ayaa wuxuu yiri:
“Wali iskama hor imaanin, laakiin mar walba aad ayaan ula dhacsanahay waxa uu gaaray, 11-kii sano ee uu joogay Atlético Madrid, waxaan filayaa in uu kooxdan gabi ahaanba uu u badalay mid ka mid ah kooxaha loogu ixtiraamka badan yahay Yurub.”
Gool FM.